
Xildhibaaan hore Xasan Xaaji oo katirsanaa Baarlamaanka Golaha shacabka ayaa ayaa bartiisa twiterka soo dhigay in ay dacwad ka gudbiyeen madaxweyne maxamed cabdullahi farmaajo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka iney soo gabagabeeyeen dhamaan eedeymihii ku saabsanaa doorashada Koofur Galbeed ee 2018 oo dad shacab ah ay ku dhinteen iyadoo la xiray Mukhtaar Rooboow oo kamid ahaa muharaxiinta.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Qareenada ay ka gudoomeen gal dacwadeed loo heysto Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ciidamada Itoobiya ee hoos yimaada AMISOM kuwaa oo Itoobiyaan ah.
15 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay doorashada maamulkaas iyadoo tiro intaa kabadan ay ku dhaawacmeen, waxaana arrintaasi si weyn dowladda ugu dhaleeceeyay wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicklos Haysom oo markii dambe dowladda Federalka ay dalka ka ceyrisay.
