Kulankii xildhibanada golaha shacabka ay maanta u balansanaayeenoo furmey

0
145

Xarunta Villa Hargeysa ayaa kol dhaweyd waxaa si toos ah uga furmey kulan ay leeyihiin xildhibaannada Golaha Shacabka, kulankaas oo warbixin looga dhegeysan doono Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiirka ayaa ka hor jeedineysa xildhibaannada Golaha Shacabka warbixin la xiriirta xaalada cudurka Covid 19 ee dalka oo ah ajandaha koowaad kulanka, halka dhinaca kale ka hor khudbada Wasiirradda ay ansixiyeen xildhibaannadu labo xubnood oo ka mid noqonaya guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha.

Fadhiga ayaa waxaa ka maqan oo dibad joog ka ah ilaa 15 xildhibaan oo dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabku uu ka mamnuucay in ay ka soo qebgalaan shan fadhi oo ka bilaabanaya kan maanta u socda xildhibaannada.