Wasiirkii hore ee amniga jubaland oo ciidamo ku wareejiyey dowlada

0
71

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federalka ayaa shaley fuliyay qeybta ugu muhiimsan heshiiskii ay isla gareen dowladda dhexe.

Cabdirashiid Janan ayaa si rasmi ah dowladda Federalka iyo maamulka GEDO ee Farmaajo hoostaga ugu wareejiyay Tobaneeyo gawaari dagaal ah iyo inkabadan 400 oo askar.

Munaasabadda uu ciidankan ku wareejiyay waxaa joogay wasiiro katirsan xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya iyada oo sidoo kale ay goobjoog ahaayeen saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada dowladda ay geysay gobalka Gedo iyo Taliyaha NISA.