Midowga yurub oo kasoo horjeestey heshiiska janan iyo farmaajo

0
198

Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa markii u horeysay ka hadlay heshiiska dowladda iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Nicolas Berlanga oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ka horyimid heshiiskaas, xili Cabdirashiid Janan loo haysto arrimo bini-aadanimo, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid ku dhisan “guulo muddo kooban ah”.

Sidoo kale waxa uu xusay inuu xasuusan yahay dhibaatada la sheego inuu Janan uu ka geystay gobolka Gedo, asaga oo soo jeediyay in sharciga loo sinaado, midaasi oo ka dhigan in cadaalada la marsiiyo, islamarkaana lagu qaado gabood falka uu hore ugu eedeysna.