Ciidamada boliiska oo howlgalo ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada hodon

0
212

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir oo ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Taleex & xaafadaha ku teedsan wadada Shaqaalaha ee degmada Hodan, kadib markii dhowr habeen ay Kooxo Burcad ah dadka talefoonada uga qaadanayeen.

Ciidamada ayaa mararka qaar waxaa ay galayaan guryaha, iyaga oo baadi goobayay kooxo bartimaameed ah oo dadka xilliyada habeenkii dhac u geysta, halka wadooyinka iyo xaafadihii dhaca dadka loogu geystay howlgalka laga fuliyay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Hodan oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalalda ay sii socon doonaan ilaa amniga laga xaqiijinayo lagana hortagayo Kooxaha dhaca geysta.