Beesha caalamka oo ka hadashey kulankii hordhaca ahaa oo ay yeesheen madaxda dowlada iyo qaar ka tirsan maamul goboledyada

0
69

Iyadoo maalintii shalay uu fashilmay shir la doonayay in uu si rasmi ah uga furmo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho kaa oo qorshuhu ahaa in ay ka soo qeybgalaan dhamaan madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada ayaa waxaa arintaa war ka soo saaray xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in ay ka war heyso kulan hordhac ah oo ay yeesheen madaxda Federaal iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada hasse ahaatee uusan aheyn mid rasmi ah, basle maalmaha soo socda lasii wadi doono wada hadallada arintan ku saabsan si xal kama danbeys ah loo gaaro.

Hadalka Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili maalintii shalay goobta shirka loogu talagalay ku kulmeen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisal Wasaare Rooble, madaxweynayaasha maamul Gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo markii uu shirkaasi soo idlaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu soo xirmay wajiggii koowaad sida uu hadalka u dhigay shirka madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada.

Laakiin beesha caalamka ayaa shirkaasi ku tilmaamtay mid hor dhac oo kaliya ahaa laakiin aan loo fasiri karin shir rasmi ah oo u furmay dhinacyada oo dhan.