Qabashada banaanbaxa oo lagu xirey laba sharuudood oo aan haatanba ka socon magalada muqdisho

0
194

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dibad-baxa mucaaradka ee la qorsheynayo inuu Sabtida ka dhaco magaalada Muqidisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxa lagu heshiiyey uu dhacayo, balse lagu xiray labo shuruud oo kala ah in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan af-xirka, si looga hortago faafista cudurka faafa ee Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo awaamiirta dowladda ee lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Hadalka wasiirka ayaad moodaa in uu yahay mid xaqiiqda ka fog oo looga soo horjeedo in dalku ka dhoco mudaaharaad sababtoo ah waqtigan xaadirka ah somaliya kamajiro cid waqti ku lumisa xakameynta cudurka corono viruska.