
Wasiir qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay hay’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala hishiiyeen inay isticmaalaan bankiga dalka lana rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan galinta hishiiskaasi sidoo kale lagu adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo inay isticmaalaan bankigayada dalka.
Wasiir Jamaal waxa uu sheegay in kaliyada lacagaha dalka soo gali aysan laheyd Soomaaliyeed hase ahaatee ay jiraan hay’addo mashriic ka fuliya dalka sida lagu ogaaday lacag ka badan labo bilyan oo doolarka mareykanka ayaa soo gasha dalka sanadka kasta waana in la ogaado halka la mariyo iyo sida loo maareeyo .
Wasiirka waxaa kaloo sheegay hadii aan la xisaabin lacagahaan iyo waxyaabaha ku xeeran waxaa laga yaaba in dhaqaale badan uu ka maqnaado siistamka dowladda iyo shruucaha lagu hago dalka .
Wasiirka qorsheynta xukumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay diyaariyeen barnaamij lagula soconayo lacaga doolarka ee soo galo dalka halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto.