
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Ciid ayaa maanta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug kusoo dhaweyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.
Soo dhaweynta waxaa ku wehliyay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Galmudug iyo Wasiir Dowlaha madaxtooyada madaxtooyada Galmudug.
Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkoodu u daran yahay Arimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada.
James swan iyo wakiilada beesha caalamka ayaa maalmahaan kulamo la qaadanayay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo midowga murrashixiinta madaxwyenaha, kulamadaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.