
Taliska Ciidanka Africom ayaa duqeyn cirka ah u gaystay warshad ay lahaayeen Alshabaab oo qaraxyada lagu farsameeyo islamarkaana lagu kaydiyo kuna taalay agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.
War kasoo baxay taliska Ciidanka xooga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in qiimayn hordhac ah oo la sameeyey ay sheegeeyso in duqeynta lagu dilay 10 -tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in, iyaga oo kaashanaya Africom ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo ururada kale si loo badbaadiyo shacabka aan waxba galabsan ee ah rag iyo dumar iyo carruur ee ku sugan Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah.
Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada dowladda ayaa mararka qaar duqeymo ka fuliya degaanoa ka tirsan gobolada dalka, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeeyaa xilli mareykanka uu dhawaan sheegay in Ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya.
