Wadooyinka Magalada Balad-xaawo oo Maanta Lagu Daadiyey Ciidamo Ka Tirsan Nabadsugida Qaranka

0
296

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgalla degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka bilaabeen xaafadaha iyo wadooyinka degmadaas.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay wadooyinka Beled-Xaawo ka sameeyeen howlgallo lagu baarayo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, halka xaafadaha qaar ay Ciidamada howlgallada ka sameeyeen.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Qaranka ee degmada Beled-Xaawo Cabduqaadir Xuseen Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay in Al-Shabaab falal amni daro ka geystaan degamdaas.

Waxaa uu sheegay in Degmada Beled-Xaawo ay leedahay labada cadaw , in kastoo uusan faah faahin, waxaana Bulshada ku nool degmada Beled-xaawo uu ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan Amniga.