Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Shacabka Somaliyeed ugu Hambalyeyey Maalinta Calanka

0
142

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada.