
Wararka aynu ka heleyno degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu halkaas dagaal ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo Alshabaab, labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub cul culus, waxaana la maqlayay madaafiic xooggan oo ay isweydaarsadeen.
Warku waxa sidoo kale sheegayaan in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay duleedka Baraawe, balse waxaan si rasmi ah loo xaqiijin Karin tirade rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ah .
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Alshabaab ay weerareen fariisin ay AMISOM ku lahaayeen duleedka degmada, kadibna, sida dadka deegaanka ay u sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.
Gobolka Shabeellaha hoose waxaa dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo garab isi siinaya iyo Alshabaab , waxaana dagaalladaas ay wax-yeello badan kasoo gaartaa dadka rayidka ah.