Degmada Afgooye oo Loo Magacaabay Gudoomiye Cusub

0
266

Degmada Afgooye ayaa maanta xilka laga qaaday gudoomiyihii hore ee degmada Ibraahin Cumar Qaasin iyada oo isla maata lagu bedeley Aweys Cabdullahi Cumar.

Xilka qaadistan ayaa timid kadib kolkii gudoomiyaha gobolka shabelaha hoose Ibraahin Najax uu ka dalbadey wasiirka arimaha gudha maamulka cabdicasiis in la bedelo gudoomiyihii hore ee degmada.

Ibraahin Cumar iyo Najax ayaa kolkii hore ka dhaxeyn jirtey wadashaqeyn aad u wanaagsan ayadoo aan weli si dhab ah loo ogaan xurgufta soo kala dhex gashey isaga iyo Najax.