Maleeshiyaadkii Kasoo Jeeday Hirshabeele oo Si Qasab ah Kusii Daayey Gaarigii Ay Qafaasheen Reer Walaweyn

0
280

Maleeshiyaad kasoo jeeda Maamulka HIrshabeele ayaa maalintii shaley gaari laga leedayahay degmada walweyn ku qafaashay meel ka baxsan magalada gaarigaas oo ahaa gawaarida dhagxaanta kasoo qaada magalada banaankeeda.

Dadka deegeenka ayaa kolkii ay maqleen dhibta dhacdey ayaga wexey isla markiiba qafaasheen gaari weyn oo raashin ku rarnaa isla markaana ay lahaayeen ganacsato kasoo jeeda Maamulka Hirshabeele gelinkii dambe ee maanta waxaa kaloo la qabsadey gaari caasi ah oo isna ay lahaayeen isla dadkas.

Maleeshiyaadka kasoo jeeda maamulka Hirshabeele kadib kolkii ay arkeen in halkii gaari ay qafaasheen lagu bedeshay laba gaari wexey go,aan ku gaareen inay si deg deg ah isaga sii daayaan gaarigaas hadii kalana xaalka uusan ku ekaan doonin laba gaari.

Si kastaba arintu ha ahaatee ficil celinta shacabka reer walaweyn ayaa ah midka keliya ee looga badbaadi karo mooriyaanta usoo shaqo tagtey deegaanada maamulka koonfur galbeed.