Shirkii Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka oo Maanta Ka Furmey Magalada Muqdisho

0
33

Waxaa Maanta magalada muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirkii u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaliya, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa uu daba socdaa Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana looga hadlayaa dhameystirka Hanaanka Doorashooyinka Qaranka.

Shirka Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore baaqday sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay Madaxtooyada iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa kulanka kor kala socda, waxaana jirtay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay cadaadis ku saareen inay Muqdisho u yimaadaan shirkaan.