Madasha Xisbiyada Qaran oo Soo Dhaweeyey Kulanka Ka Dhici Doona Dhuusamareeb

0
226

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay Shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Madasha ayaa sheegtay inay ka xun yihiin baaqashada kulankii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku balansanaayeen Muqdisho 5-8 July, taasoo caddeyn u ah bey yiraahdeen fashilka hoggaanka sare ee dalka.