Akhriso: Aqalka Sare oo Ka Horyimid Qaar Ka Mid ah Xeerka Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0
219

Warqad kasoo baxday Aqalka Sare oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay afarta xeer ee qabyo tirka u ahaa sharciga doorashooyinka Qaranka heer Federaal haddii aan la waafajinin habraaca xeer dejinta dalka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inta laga saxaayo aysan xeerarkaas u isticmaali karin doorashada Qaranka, islamarkaana aan loo isticmaali karin doorashooyinka dalka.