Madasha Xisbiyada Qaran oo Baarlamaanka ugu Baaqay In Doorashada La Qabto Waqtigeeda

0
359

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa kulan ka yeeshay Xaaladda dalka, waxaana shirkaasi isugu yimid Mas’uuliyiinta Sare ee Madasha.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran.

Madaxda Madasha ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in baarlamaanka Soomaaliya laga doonaayo in ay ilaaliyaan waqtiga loogu tala galay doorashada, islamarkaana ay la xisaabtaan Guddiga doorashooyinka Qaranka.