
Ciidamada amison oo ay wehliyaan ciidamada dowlada iyo alshabab ayaa habeenkii xalay ku dagalaamay degmada qoryooleey ee gobolkashabelaha hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmada qoryooleey kaasoo socdey in ka badan saacad.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen madaafiic ay ridayeen ciidamada amisom kaasoo aan weli laogeyn in ay waxyeelo kasoo gaartey dadka shacabka ee halkaasi ku noolaa.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Saldhigyo waaweyn ku leh Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab,waxaana wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.