
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu kalfadhigii lasoo dhaafay ku guuleystay ansixinta shuruuc Dalka Muhiim u ah oo uu ka mid yahay sharciga Doorashooyinka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixay, isla markaana taasi ay suurta gelineyso in Soomaaliya lagu qabto doorasho qof iyo Cod ah.