
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay maa;intii shalay kala eryey dad Muqdisho ku xusayay sanad-guuradii koowaad ee dadkii lagu laayey Baydhaba, islamarkaana dalbanaayay in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Dadkan oo shalay isugu yimid mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, oo ay xafaladda ku dhiganayeen, ayaa waxaa u yimid ciidamo ku socda laba gaari, kuna war-geliyey inaanay qaban karin kulan ceynkaasi oo kala ah, ciddii amarkaasi jebisana ay tallaabo adag ka qaadayaan.
Ciidamada ayaa sidoo kale amar siiyey maamulka Hoteelka, una sheegay in la joojiyo xafladda, waxaana kadib goobtii ku kala tagay dadkii isugu yimid.
Sidoo kale, saddex taleefishin oo muuqaallo ka duubay goobta ayaa waxaa mamaulkooda la xiriiray maamulka Koonfur Galbeed, una sheegay inaysan muuqallada sii dayn, ayaga oo u ballan-qaaday lacag taasi oo ay ogolaadeen.
Shaley oo ku begneyd 13-kii bishii December ee sanadkii hore ayay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya waxay ay Madaxtooyada Baydhabo ka dhex qabteen Abuu Mansuur, iyagoona saacad gudaheed ugu soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.
Abuu Mansuur oo sideed bilood ku xirnaa Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Habar Khadiijo ayaa afartii bilood ee ugu dambeysay xabsi guri ku ahaa guri ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.