
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowladda Gobolleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in labo dhalinyaro ah ka danbeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Sirdoonka iyo Nabad-sugida gobolka Mudug Col Xaanshi Aadan Cilmi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in labadan ruux markii ay dilka fuliyeen kaddib ay baacsadeen rag dhalinyaro ah oo la shaqeeya maamulka, laakiin nasiib darro mid ka mid ah dhalinyaradii baacsatay la dhaawacay.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka Gaalkacyo aan ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Taliyaha ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo, waxana dilka taliyaha ka hadlay maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.