Iskuduwaha Maaliyada Degmada Afgooye oo xalay Lagu Diley degmada Afgooye

0
141

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil xalay degmada Afgooye loogu geystay isku-duwihii wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degmada Afgooye.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in uu ka dambeeyey dilka geystay isku-duwihii wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed ee Afgooye oo lagu Magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur oo caan ku ah magaca Nuur Xawaad.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sababaha dilka ay ka dambeysay, kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira Canshuurta laga qaado Koontoroolka Baar Ismaaciil, sida uu warbaahinta u sheegay mas’uul dhinaca Amniga ah.

Waa dilkii labaad oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxana xalay lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun kaas oo la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Koonfur Galbeed.