Taliyeyaal Ciidan oo uu Maanta Madaxweynaha Magacaabay Magacaabay

0
119

Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Digreeto uu soo saaray ku Magacaabay Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed & Taliyaha Ciidamada lugta.

Wareegtada ayaa waxaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka loogu Magacaabey S/Guuto Maxamed Cali Bariise halka Taliyaha Ciidamada dhulka loogu Magacaabey S/Guuto Cabdixamid Maxamed Dirir.

Taliye kuxigeenka Cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa bedelay taliye kuxigeenka hore ee Ciidanka Xoogga Cabdi Xasan Maxamed Xijaar kaas oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed halka Taliyaha Ciidanka dhulka uu bedelay Odawaa Yuusuf Raage oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sarkaalka loo magacaabay taliyaha Ciidamada Lugta/dhulka ee xoogga dalka ee lagu magacaabo Cabdixamid Maxamed Dirir wuxuu horay u soo noqday taliyaha Ciidamada PSF Puntland qeybta gobolka Nugaal.