Xog Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo Xafiis Ka Furtey Magalada Muqdisho

0
58

Warar inaga soo gaaraya magalada muqdisho ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka shabelah ahoose Ibraahin Najax uu xafiis ka furtey magalada muqdisho kaasoo uu sheegay in laga wadi doona dhamaan howlaha gobolka.

Xafiiskan la sheegay in uu gudoomiyaha furtey ayaa la sheegayaa in uu ku yaalo xaafada caga dhiig oo ka tirsan degmada warta nabada wuuuna ku yaalaa dhabarka dambe ee xarunta villa somaliya.

Gudoomiyaha ayaa la sheegayaa in uu ku wargeliyey dhamaan hey’adaha ka howlgala gobolka shabeelaha hoose in ay xafiiskaasi iska soo xaadiriyaan haddii wax shaqo ah ay uga baahdaan maamulka gobolka shabelaha hoose.

Gudoomiyaha ayaa sida la sheegay maalmihii lasoo dhaafay in uu ku xayirnaa degmada Marka kaasoo uu waayey diyaaradii kasoo qaadi laheyd degmada Marka maadaama aan lasoo mari karin dhinaca dhulka.