Qaar Kamid ah Xildhibaanada Labada Aqal oo Warsaxaafaded Kasoo Saaray Arinta Kismaanyo

0
43

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka, iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay ugu waa weynaayeen is hortaagii lagu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo cuna qabateynta Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in xukuumaddu si barer ah ay u jabisay dastuurka dalka, ayna ku kacday qiyaano qaran, iyagoo soo ban dhigay qodobada ay ku eedeynayaan in ay jabiasay xukuumaddu.

Xildhibaanada ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku guul dareysatay gudashada waajibaadkii loo igmaday, sida amniga, wada shaqweyn dghex marta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u habeynta qabyo tirka dastuurka dalka, hanaanka doorashooyinka, dhameystirka hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo garsoorka.