Alshabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar ismiidamin ah ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose.
Dad ka tirsan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ku bilaawday qarax ismiidaamin ah oo lagu furay afaafka hore ee xerada, waxaana xigay dagaal toos ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan degmada Awdheegle
Ururka Al-shabaab ayaa warbaahintooda ka sheegay in ay saacado kooban la wareegeen saldhigga khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacna u geysteen ciidamadii halkaa ku sugnaa.
Laakiin dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka islamarkaana khasaare xoog leh gaarsiiyeen xoogagga Al-shabaab weerarka soo qaaday.