Kulan Looga Hadlayo Amniga Dalka oo Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
54

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, guulna looga gaaro dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka ka sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rejo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada qaranka.