Maxkamada ICJ ee Hague oo Sheegtey In Dhegeysiga Dacwada Bada Furmi Doonto Novembar 4

0
67

Maxkamada Cadaaladda caalamiga ICJ ee fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay in horaanta bisha November dib loo furi doono dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamada ayaa sharaxaad ka bixisay-sharuudaha Suxufiyiinta, diblomaasiyiinta iyo xubnaha dadweynaha ee raba inay ka soo qeybgalaan dhageysiga.

Dibloomaasiyiinta iyo Saxafiyiinta ayaa heysta in ay codsigooda ku soo gudbiyaan ilaa 24 bisha si ay u codsadaan aqoonsi ay u galaan maxkamadda iyagoo markaa fursad u heli doona dhageysiga Dacwadda.

Qoraalka, Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ee dhageysiga la qaban doono laga bilaabo Noofembar 4 iyo 6.

“Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), waaxda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxa ay dhegeysan doontaa kiiska badda ee Badweynta Hindiya (Soomaaliya v. Kenya), laga bilaabo Isniinta 4 illaa Jimcaha 8 Noofambar 201, ”ayaa lagu yiri bayaanka oo qayb ka ah.