Denjire Cali Shariif Axmed oo Maanta laga Gudoomiyey Waraaqihiisa Aqoonsiga

0
54

Safiirka Cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacaawday dalka Mareykanka ayaa Warqadihiisa danjiranimo waxaa looga Guddoomay Magalada Washington ee dalka mareykanka.

Cali Shariif Axmed Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka waxaa 17-kii Bishii July ee Sanadkaan Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana intaasi ka dib la diyaariyay bixitaankiisa.

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday Washington Amb. Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa ka guddoomay kuxigeenka Madaxa Protocol-ka Wasaaradda Mary-Kate Fisher.

Cali Shariif ayaa horay u ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ka hor inta aan xilkaasi laga qaadin.