Laamaha Amniga Xukuumada Federaalka oo Ka Hadlay Xariga Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland

0
33

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xarigga wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliya, Jen Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in Janan ay soo xireen ciidammada booliska , isagoo ku eedeysay dambiyo culus.

Warkan ayaa ku soo aaddaya xilli maamul-gobolleedka Jubbaland ay dalbatay in dib xoriyadiida loo siiyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan.