Xisbiga UPD ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii Hore Xasan Sh Maxamuud oo Hambalyo u Direy Axmed Madoobe

0
37

Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland.

Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay boggaadinayaan sida hufnaanta leh ee guddiga doorashada Jubaland uu u agaasimay doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Kismaayo.