Kulankii Golaha Wasiirada Ay Maanta Yeesheen oo Lagu Magacaabay Taliyeyaal Cusub

0
101

Kulankii ay maanta yeesheen golaha wasiirada dowlada federaalka somaliyaa ayaa lagu magacaabay taliyayaasha cusub Ciidamada Nabad suggida, Booliska, Asluubta iyo xoogga dalka Soomaaliyeed.

Fahad Yaasiin Xaaji ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka.

Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa isna loo magacaabay taliyaha booliska.

Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta.