Xuutiyiinta oo Weeraray Garoon Ku Yaala Magalada Abha ee Dalka Sacuudiga

0
36

Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga weli kama hadlin weerarkan, islamarkaana saraakiisha Sacuudiga ayaan si deg deg ah jawaab looga heli karin.

Xuutiyiinta oo maamula magaalada caasimadda u ah Yemen ee Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii dhowaa sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Ayaga oo taas ka jawaabaya, ayaa isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen waxay beegsadeen goobo militari oo ay kooxdan leedahay, gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka Sanca.