Aqriso Maamulka Jubaland oo Jawaab Cad ah Ka Bixiyey Qoraal Kasoo Baxay Wasarada Arimaha Gudaha

0
45

Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyay qoraalkii dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya oo ku gacan-seyrtay liiska Odayaasha dhaqanka ee loo idmaday in ay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha maamul gobolleedka Jubbalanda ayaa lagu sheegay in Liiska Odayaasha Dhaqanka ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in Dowladda Federaalka Soomaaliya wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland la filayo in ay dhawaan ka dhacdo.