Xubno Ka Tirsan Alshabab oo Duqeyn Lagula Beegsaday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose

0
50

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degaano ka tirsan Gobolkaas.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in duqeynta lala beegsaday Gaari ay wateen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, xilli uu marayay duleedka deegaanka Kunya-Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada DANAB ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Afar Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo laba ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil iyo qaar ka mid ah ilaaladooda.

Weli macada cidda fulisay duqeyntaas, hayeeshee waxaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka fuliya diyaaradaha Mareykanka ee taageerada siiya Ciidamada Dowladda Soomaaliya.