Musharixiinta Maamulka Jubaland oo Lagu Adkeeyey Sharuudihii

0
41

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta soo badhigay jadwalka diiwaan galinta & shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland

Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta musharixiinta ay bilaabaneyso Maanta oo Khamiis ah kuna egtahay 20 Bishaan, sidoo kalena musharax kasta uu xafiiska Guddiga keeno dukumiintiga shuruudaha ah ee looga baahan yahay 21 ilaa 22 Bishaan.

Sidoo kale shuruudaha musharixiinta ayaa waxaa ka mid ah in musharaxa ragga ah uu bixiyo lacagta diiwaan gelinta oo dhan $30.00 oo Dollar (Soddon kun oo dollar) halka musharaxa Dumarka ahna laga doonayo 15.000 (Toban & Shan kun oo Dollar) lacagtaas oo aan loo soo celin doonin.

Shuruudaha la hor-dhigay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland oo aad u adag ayaa waxaa ka mid ah qodob laga soo qaatay Dastuurka Jubbaland oo dhigaya in musharax walba ay soo jeediyaan ugu yaraan 10 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka jubbaland, isla markaana ka hor hadal-jeedinta musharixiinta Madaxweyanaha uu keenaa, iyaga oo qoraal ah.

Sidoo kale qodobada kale ee shuruudaha ah oo ay soo saareen Guddiga doorashada Jubaland ayaa waxaa ka mid ah in musharaxa uusan qabin xaas Ajnabi ah, isla markaana uusan guursan karin hadii uu guuleysto inta uu xilka haayo.