Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Ka Hadlay Weerarkii Shalay Ka Dhacay Hotel Cascaseey

0
32

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa markii u horreeysay faahfaahin ka bixiyay khasaaraha weerarkii galinkii dambe lagu qaaday hotelka Cascaseey.

Madaxweynahu ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka Kenyan 3 qof. Canadian 1 qof. British 1 qof. American 2 qof. Tanzanian 3 qof.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay waddanka Shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hadda xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin.

Waxaa ku ammaanay dadaalkii ay muujiyeen ciidammada ammaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana ,waxaa uu intaas ku daray in ammaanka la xoojin doono , isagoo faray hay’addaha ammaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan.