Rag Hubeysan oo Xaley Nin Odey ah Ku Diley Tuulada Sagaalaad ee Duleedka Degmada Afgooye

0
40

Rag hubeysan ayaa tuulada lagu Magacaabo Sagaalaad oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Nin Oday ahaa oo Caan ka ahaa tuuladaas,kaas oo lagu Magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa,waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in Ninka la dilay uu mar Guddoomiye kasoo noqday Tuulada Sagaalaad ee lagu dilay,,iyada oo xilliga la dilayay uu kasoo baxay Masjid uu salaad kusoo dukaday.

Waa dilkii labaad oo mudo laba bilood gudahood ka dhaca tuuladaas,waxaana dhamaadkii Bishii Ramadaan ay tuuladaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Cismaan Xaaji Qaasim oo kamid ahaa odayaasha ku nool deegaankaas.

Dilalka ka dhaca degmada afgooye aya ainta badan jirin cid loo soo qabto taasoo micnaheedu yahay in aysan jirin cid xil iska sarta sidii cadaalada loo keeni lahaa dadka sida arxan darada ah u leynaya dad aan waxba galabsan