DAAWO SOOMAALIDA GRAUBUNDEN OO SI DEGDEG AH ISAGA BAREJAYSAY TA ST.GALLEN

0
34

Waxaan saacado badan ka soo wareegan lagu sheegi karayo wax kar 24 saacadood dabadeed kolkay xaflad taariikhi ah Soomaalida gobolka St.Gallen ay ku dhigteen magaaladooda ku qotonta xuska munaasibadda Ciidul-Fitriga, ayuunbay iyana Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Graubunden ku nool xaflad ballaaran dhiilkeeda faraxu u dhaansanyahay ku dhigeen magaalada Chur oo xarun u ah gobolkuna.

Agaasinka xafladdan aan loo kala harin oo ay lahaayeen muwaadiniinta Sooomaalida ku dhaqan gobolka, ayaa waxaa soo xaadiray martisharaf farabadan oo isaga soo kala dureerey magaalooyinka kala dududwan ee kulaala gobolka marka magaciisa la soo gaabiyaa noqonaya GR oo lagu tiriyo inuu yahay midka ugu wayn 26-ka gobol ee waddanka Switzerland ka kooban yahay dhaca bartamaha galbeed qaaradda Yurub.

Miisas dushooda aad loo qurxiyay kuraas fadhigoodu wanaagsan yahay ku daaban fadhiwanaag oo la dhex dhigay hool kii hala fariista la yiri habaysan qayb raggu ay u xirantahay dhanna dumarka oo kuwa caruuraha lihi iyo xaynta iska cilaaman indha baliilan ay aayer marmarayaan hareeraha horay iyo gadaal, ayaa farxadda Ciidul-Fitriga darteed, waxaa goobta lagu soo bandhigay suugaanteena hodanka ah maaweelooyin qosol shactiro ku dhisan, iyado kulanku uu ka dhex muuqday Injineer Bashiir oo in badan qaddarin looga haayo gobolka islamarkaana ka mid ah raggii ugu soo horeeyay yimaada gobolkaasi dadka maanta ku nool.

Furitaanka Xafladdan qiimiga iyo qarada wayn leh kadib, waxaa khudbad aad u nuxur leh halkaasi ka jeedisay gudoomisada jaaliyadda Soomaalida gobolka baaxadda leh ee Graubunden xaruntiisu tahay Chur Marwo culus marwo Ilhaan Maxamed Aadan oo horaan loogu doortay si xaqsoor leh doorashadii ugu dambaysay ee uu xilkuna isago kaadir ah ku faraxsan iyadu ugu wareejiyay Mudane Maxamed Deeq Xuseen.

Marwo Ilhaan waxaa ay in badan ku nuuxnuuxsatay sida ay muhiimka ugu tahay walaalaha Soomaaliyeed wadanool wadajirkooda bacdama hadal raagay uu leeyahay gacmo wadajir inay wax ku gooyaan.

Munaasibaddan farxadeed aadka la isugu yimid waxaa sido kale ka hadlay Proff Saalax Shiikh Cusmaan oo ka mid ah dadka udub dhexaadka ah jiritaanka iyo dhismaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolweynaha Graubunden.

Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation waxaa ay kamaradaheedu ay qabanayeen wajiyo badano cusub iyo qaar kalo hore oo ku kala lunsanaa isla gobolka gudihii muddo farabadan ooy fursad wax ku oola u noqotay inay miinaha isa saaraan kulankan ay jalaaliyaddu agaasinkeedu xilka iska soo saartay qarash adagna ay ku baxsheen si ay bulshadooda ugu nafisto aalaaba kulamada nuucaan ah.

Ugu dambayntii xafladdii ay u madlanaayeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Graubunden oo isna dhaca bariga Switzerland laguna qabtay magaalada Chur waxaa ay ku soo idlaatay iyana jawi aad u heer sareeya.

Waa inay macaan qura ahaan la muudsado waana inayn ahaan qadhaadh miirano musiiba

By: Adam Increase