3 Gacan Ku Dhiigle oo ay Maxkamada Gobolka Banaadir Ku Xukuntey Xukun Dil ah

0
172

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntey 3 edeysane oo loo heystey dilkii loo geystey Marxuun Axmed Mukhtaar Saalax Dowlo.

Gudoomiyaha guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday eedeysanayaasha loo heystay dilka Marxuun Axmed Mukhtaar Saalax Dowlo oo si xun loo dilay, lana gubay.

Dadka xukunka dilka ah lagu riday ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed, kuwaa oo la sheegya in ay ka danbeeyeen dilka marxuumka.

Waxaa Sidoo kale Maxkamadda ay sii deysay afar qof oo kale oo iyana ku eedeysnaa falka dilkaas, oo lagu waayey fal dambiyeedka lagu soo oogay.