
Madaweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar ah la qaatay wefdi a ka socda dalka Eriteriya ee uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, Cismaan Saalax Maxamed, waxana uu kulankaas oo is xogwaraysi ahaa uu qaatay muddo saacado ah.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhamaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada wefdiga ka socday dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay madaxweynaha kala hadleen.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda Somaliland, islamarkaana ay madaxweynahoodii ku celin doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in madaxweynaha iyo wefdiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta.