Weerar Lagu Qaaday Mesjid Ku Yaala Dalka New Zealand oo Ay Dad Badani Ku Dhinteen

0
33

Wararkii ugu dnabeeyay ee ka soo baxaya weerar lagu qaaday Masaajido ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dad ka badan 49 ruux halka dhaawaca uu ka badan yahay 50 qod.

Taliyaha booliiska dalka New Zealand oo qabtay shirjaraaid oo uu kaga hadlayo dhibaatootadii halkaasi ka dhacay si uu ula wadaago shacabka macluumaadka uu ka hayey weerarkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay.

Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya.

Waxaa kaloo falkaasi cambaareeyey Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison, Ra’iisul wasaaraha UK Thirisa May, Ra’iisul wasaaraha dalka Fiji Frank Bainimarama, Wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi.