3 Ruux oo Somali ah oo Ku Dhintey Weerar Maanta Lagu Qaaday Masaajido Ku Yaala Dalka New Zealand

0
77

Lix Qof oo ay Saddex ka mid ihi Soomaali ahaayeen ayaa ku geeriyootay, weerar uu Nin Hubeysan weeraray Masjid lagu Magacaabo Al-Nuur oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Dadka dhintay oo lagu kala Magacaabo, Sheekh Muuse Nuur Cawaale, oo ahaa Macallin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir iyo Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah Wiil Lix Sano jir ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray Aabihii oo la yiraahdo, Aadan Diiriye.

Masjidkan oo Dadka ku sugnaa ay isu diyaariyeen Tukashada Salaadda jimacaha ee Maanta ayaa lagu qiyaasay 200 Qof, waxaana sidoo kale goobta ku dhaawacmay Muslimiin kale oo halkaasi ku cibaadeysanayay.

Boliiska ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay uu u dhashay Dalka Australia, bar-tilmaameedkuna uu ahaa Laba Masjid oo halkaasi ku yaalla.