
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlayey qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka jubaland ayaa sheegay in weli uusan dhamaan dagaalka dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab, hayeeshee dagaalkaas uusan aheyn mid hadda la dareemayo.
Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dib u habeyn ku heyso Ciidamada,isla markaana tirakoob guud lagu sameeyey Ciidamada,sidoo kalena la ogyahay tiradooda saxda ah iyo taliyeyaashooda.