Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid Wasiirka Dastuurka

0
29

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay.