Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Ka Hadley Dilka Paul Anthony

0
138

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow sheegay Puntland inay qaadeyso tallaabo jawaab u ah dilka maareyaha dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa.

Madaxweyne Deni, ayaa tacsi u direy qoyska maareyaha geeryooday iyo shirkadda P&O Ports ee gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, wuxuuna falka ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafta shacabka Puntland iyo dowladoodaba.

“Cid walba oo ku lug yeelata dilka ha joogan dalka iyo dibaddaba waa dambiilayaan, tallaabo ayaana laga qaadi doonaa”. ayuu yiri madaxweyne Deni oo inta raaciyay “Laamaha amniga waxaan faraya inay heegan u galaan si looga hortago weerarrada cadawga maleegayo”.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay madaxa shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso, Paul Anthony Fermosa.