Nabadoon Xayeesi Mursal oo Shaley Maqribkii Lagu Diley Degmada Afgooye

0
152

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in maleshiyo beeleedyo u abaabulan qaab qabiil ay xaley maqribkii halkaasi ku dileen nabadoon lagu magacaabi jiray Xayeesi Mursal Abikar.

Ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa sheegaya in falkaasi ay geesteen Alshabaab isla markaana ay ku raad joogaan sidii ay usoo qaban lahaayeen dadkii dembigaasi geystey.

Saraakiil ka tirsan maaamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaama Al-shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.

Dilalka ka dhaca degmada afgooye ayaa noqdey mid soo noqnoqda taasoo ay geysanayaa maleeshiyo beeleedyo halkaasi ku sugan, alshabab iyo weliba kuwa ku labisan dareyska dowlada, Inta badana waxaa dhacda in loosoo qabqabto dad aan dembigaasi shaqo ku laheyn.