Ifafaalidii ugu Horeysay Sababta Cabdicasiis Lafta Gareen Loogu Soo Magacaabay Koonfur Galbeed oo Bananka Soo Baxday

0
214

Ififaaladii ugu horeysay sababta Cabdicasiis Lafta gareen loogu soo magacaabay maamulka koonfur galbeed oo maanta soo baxday kadib kolkii magalada baydhabo ay ka dhacday doorasho aan sax eheyn.

Magalada baydhabo ayaa maanta waxaa logu balansanaa iney ka dhacdo doorasho buuxinta mid ka mid ah kuraasta baarlamaanka dowlada federaalka somaliya taasoo ay usoo istaageen 4 musharax, Balse nasiib daro waxaa dhacday in gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaran Xaliimo Yareey ay af duubtey qaabka la rabay iney doorasha u dhacdo>

Wararka aan ka heleyno magalada baydhaba ayaa sheegaya in gudooimiyaha gudiga dooorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey ay amar ku bixisay in 3da musharx kale loo diido iney gudaha usoo galaan hoolka la filaayey ineyd oorashada ka dhacto si uu ugu soo boxo musharaxa ay ayada iyo weliba xukumada ay gacan saar la lahaayeen.

Hoolka ay dorasha ka dheceysay ayaa soo xaadiray xildhibaanka la sheegay inuu ku guuleystay doorasha oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Maxamed iyo ergo asaga la socoto oo markii horaba kala soo kicitamey magalada muqdisho ayadoo la sheegayo in ergadaasi aysan u dhalan beesha xildhibaanka uu kasoo jeedo.

Odayaasha beesha Eemid ayaa horey uga hadley inta aysan dhicin doorasha waxa ay maleegeyso Gudoomiyaha gudiga doorasha balse ma jirin cid dheg jalaq u siisay taasina wexey tusaale u tahay in hadalka odeyga kasoo jeeda koonfur galbeed eesan wax micno ah ku fadhin sidii la doonana laga yeeli karo.

Dhacdadan ka dhacday maanta magalada baydhabo ayaa waxaa ay bilow u tahay qaabka ay xukuumada dhexe u dooneyso iney u maamusho dhamaan dhamaan xildhibanada ka i man doona maamulka koonfur galbeed si ay 2020 ugu guuleystaan mar kale kursiga madaxtinimo ee dalka.